
Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Cali Ciise Naxar ayaa ka warbixiyay safarkii Madaxweyne ku xigeenku ku tegay degaanno ka tirsan degmada Ufayn ee Gobolka Bari.
Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in Madaxweyne ku xigeenku booqday degaannada Geesa-qabad, Xabley, iyo Kob-dhexaad oo ka tirsan degmada Ufayn ee gobolka Bari.
Agaasimaha ayaa sheegay in Safarka Madaxweyne ku xigeenku uu la xiriiray u kuur-gelidda Xaaladda Bulshada ku nool degaannada hoosyimaada magaalada Ufayn.
Madaxweyne ku xigeenka, Axmed Karaash ayaa kormeeray dhammaan degaannadaas isagoo kulamo la yeeshay Shacabka ku dhaqan, halkaas oo uu Xaaladooda u kuur-galay, sida uu tilmaamay Agaasime Naxar.
PUNTLAND POST