Dagaal culus oo ka socda magaalada Guriceel

Dagaal culus oo u dhexeeya Xoogagga Ahlusunna iyo Ciidamada dowladda Federaalka oo ay weheliyaan Daraawiishta Galmudug ayaa saaka ka bilowday magaalada Guriceel.

Madaafiic iyo hubka culus ayaa laga maqlayaa goobaha uu ka socdo dagaalka labada dhinac sida laga soo xigtay dadka degaanka.

Wararku waxay sheegayaan in khasaare xooggan uu ka dhashay dagaalka inkastoo aan faahfaahin sugan laga helin khasaarahaas.

PUNTLAND POST