Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug oo qabsaday xaafado ka tirsan Guriceel

Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka iyo Galmudug ay qabsadeen xaafado kamid ah magaalada kadib markii saaka halkaas dagaal ka qarxay.

Dagaalka oo u dhexeeya xoogagga Ahlusunna iyo ciidamada dowladda Federaalka oo ay weheliyaan kuwa Galmudug ayaa weli ka socda gudaha iyo daafaha Guriceel.

Wararka qaar ayaa sheegaya in maxaabiis laga qabsaday xoogagga Ahlusunna waxaana jira khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalka labada dhinac.

Inta badan shacabkii ku noolaa Guriceel ayaa horay uga bara-kacay kadib markii ciidamada dowladda Federaalka iyo Daraawiishta Galmudug saddex jiho ka dageen.

PUNTLAND POST