Wasiir Dhabancad: Ma jiraan Gobollo ka maqan Puntland

Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in aysan jirin degaanno ka tirsan Sool iyo Sanaag oo ka maqan gacanta Puntland.

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo xalay hadal ka jeediyay xarunta PDRC ee caasimadda Garoowe ayaa sheegay warkaas.

Wasiir Dhabancad ayaa tilmaamay in Puntland mashaariic ka wado dhammaan degmooyinka Gobolka Sool oo ay ku jirto magaalada Laascaanood.

Dhabancad ayaa sidoo kale xusay in Laascaanood keliya aysan Amnigeeda gacanta ku hayn balse mashaariicda Puntland ka socoto.

Halkaan ka daawo hadalkiisa

PUNTLAND POST