Sarkaal ka tirsan Ciidamada Somaliland oo lagu dilay Laascaanood

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay sarkaal ka tirsan Ciidamada Somaliland.

Sarkaalkaas oo lagu magacaabi jiray Xaaji Cabdi Maxamed oo ka tirsanaa ciidanka RRU ayaa lagu toogtay bartamaha Laascaanood sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaal.

Lama sheegin weli cid loo qabtay dilka islamarkaana ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda falkaas.

Dilkiisa ayaa ku soo beegmay xilli Somaliland sheegtay in ay xaqiijisay Amniga Laascaanood kadib markii laga raafay dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya.

PUNTLAND POST