Madaafiic iyo hubka culus oo laga maqlayo furimaha magaalada Guriceel

Madaafiic iyo hubka culus ayaa saaka oo Jimce ah laga maqlayaa nawaaxiga magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud halkaas oo ay ka taagantahay xiisad colaadeed.

Wararku waxay sheegayaan in madaafiicda ay is weydaarsanayaan xoogagga Ahlusunna iyo ciidamada dowladda Federaalka oo ay weheliyaan kuwa Galmudug.

Faahfaahin sugan weli lagama hayo madaafiicda ka dhacaysa labada dhinac islamarkaana lama oga haddii uu khasaare ka dhashay madaafiicdaas.

Magaalada Guriceel ayaa inta badan shacabkii ka bara-kacay waxaana laga cabsi qabaa in dagaal ku dhex maro Xoogagga Ahlusuna iyo Ciidamada dowladda Federaalka & kuwa Galmudug.

PUNTLAND POST