Qardho: Beel ka heshiisay xubinta Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya

Shir ay isu’gu yimaadeen Nabaddoonada Jifida Xuseen Cismaan ee Bahgareen (Cismaan Maxamuud), oo ay kaga hadlayeen xubinka Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay wakaalahooda Idiris Cismaan uga tanaasuleen, kuna wareejiyeen, iyagoo tix-gelinaya Wax qaybsiga Beesha.

Haddaba, Jifida Xuseen Cismaan waxay isa sii weydiiyeen cidda horay wax u qaadatay iyo cidda aan weli wax qaadan, waxaana la isla gartay in Guriga Reer Maxamed Samatar, oo uu Nabaddoon u yahay Caaqil Cabdixakiin Xaaji Cismaan ay horay wax u qaateen, sidaas darteed ay u tanaasuleen labada jifiyood ee soo haray oo kala ah:

1. Bahwadaag ( Reer Faahiye Xuseen iyo Reer Cawad)

2. Aaden Cabdalle.

Haddaba, Beeshu waxay go’aamisay in Xildhibaanka Golaha Shacabka uu sannadkaan ka yimaado labadaas Jifi oo keliya.

Halkaan ka akhriso warka Beesha

PUNTLAND POST