Odayaasha Godobjiraan oo ka horyimid Qaabka loo wado Mashruuca Bacaad-celinta

Qaar kamid ah Odayaasha degmada Godobjiraan oo ka tirsan Gobolka Nugaal ayaa cabasho ka muujiyay Qaabka wasaaradda Degaanka Puntland u waddo Mashruuca Bacaad-celinta Godobjiraan.

Odayaasha ayaa sheegay in wasaaraddu ay rabto in 8 kun oo geed laga jaro nawaaxiga degmada Godobjiraan si loo sameeyo Bacaad-celinta balse taas aysan aqbali karin dhankooda.

Odayaasha ayaa tilmaamay in Bacaad-celinta looga hortagayo xaalufka Degaanka haddiise 8 kun oo geed la jaray uu ka dhalanayo xaaluf ka daran kii hore.

Wasaaradda ayay sidoo kale ka codsadeen in la raadiyo qorshe kale oo lagu hirgelin karo Bacaad-celinta iyadoo aan la jarin dhirta Degaanka.

Halkaan ka dhegeyso wareysigooda

PUNTLAND POST