Midowga Afrika oo Lagu Eedeeyay Siinta Israa’iil Kaalin Goobjoogenimo

Addis Ababa (Wararka PP) — Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Mousa Feki ayaa dowlado Afrikaan ah kala kulmay dhaleeceyn kaddib markuu bishii hore soo saaray warqad uu ku difaacayo go’aanka in Israa’iil goobjooge ka noqoto Midowga Afrika.

Mousa Feki oo la rafanaya go’aan uu si degdeg ah u qaatay.

Feki ayaa ku sababeeyay kaalinta goobjoogenimo ee Isr’aaiil codsi ka yimid dalal xubno ka ah Midowga Afrika oo xiriir dibloomaasiyadeed la leh Israa’iil. Dalka Koonfur Afrika ayaa wada olole uu ku doonayo in Midowga Afrika uu ka noqdo go’aanka aqoonsiga goobjoogenimo ee Israa’iil ay heshay.

Koonfur Afrika waxay si adag uga hortimid go’aanka Guddiga Midowga Afrika uu si wadatashi la’aan ah u siiyay Israa’iil martabad goobjoogenimo.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa uma dabcin cadaadisyo lagu xalaalaynayo dulmiga Israa’iil ku hayso reer Falastiin.

Israa’iil waa dalka keliya oo weli ka jiro gumeysi ku salaysan in Yuhuuddo degto dhul Falastiiniyiinta xoog lagaga raray. Dowlado ka mid ah Jaamacadda Carabta kana tirsan Midowga Afrika ayaa xiriir diblomaasiyadeed la leh Israa’iil.

Go’aankani waa mid naxdin leh sanadkan oo dadka reer Falastiin loo geystay duqeyn iyo barakicin si dhulkooda loogu beddelo deegaanno aan sharci ahayn” ayay tiri Wasaaradda Arrimmaha Dibedda ee Koonfur Afrika.

© Puntland Post, 2021