Jubaland oo dhammaystirtay doorashada Aqalka sare

Mudanayaasha Baarlamanka Jubaland ayaa maanta dhammaystiray doorashada afar kursi oo ka harsanaa xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto Jubaland.

Xasan Daahir Yarow ayaa ku guuleystay kursigii shanaad wuxuuna ka adkaaday Cabdi Xuseen Cali, halka Ibraahim Awgaab Cismaan uu Farxiya Macalim Cabdi uga guuleeystay kuriga lixaad.

Kursiga toddobaad oo ay ku tartameen laba haween ah ayaa Layla Nuur Maax waxay kaga guuleysatay Xareedo Maxamed Sheekh.

Kursigii ugu dambeeyey ee maanta la doortay ayaa waxaa kusoo baxay Maryan Faarax Kadiye oo ka guuleysatay Samsam Maxamed Bishaar.

PUNTLAND POST