Farmaajo iyo Rooble oo xalay kulan gaar ah ku yeeshay Villa Somalia

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble oo khilaaf siyaasadeed u dhexeeyay muddooyinkii dambe ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

Kulanka labada mas’uul oo sida wararku sheegayaan uu ka shaqeeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa looga hadlay xallinta khilaafka siyaasadeed Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.

Dad ku dhow labada dhinac Farmaajo iyo Rooble ayaa laga soo xigtay in Kulankii xalay laga gaaray isu soo dhowaansho islamarkaana lagu ballamay in Caawa Kulan kale la isu’gu yimaado si loo dhammaystiro Arrimihii laga wada-hadlay.

Khilaafka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble ayaa markii hore ka dhashay Kiiska Gabadhii la waayay ee Ikraan Tahliil iyo Shaqa ka joojintii Fahad Yaasiin.

PUNTLAND POST