Boosaaso: Wadayaasha baabuurta Tagaasida oo shaqa-joojin sameeyay

Wadayaasha baabuurta tagaasida ee ka shaqeeya Boosaso ayaa saaka shaqo joojin sameeyay.

Qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka cabanayaan shidaalka oo qaaliyoobay iyo khidmad lacageed oo ay ka qaaddo shirkadda Dhaweeye.

Wadayaasha ayaa sheegay in ay shaqa-joojinta sii wadayaan inta laga xallinayo cabashada ay ka qabaan shirkadda Dhaweeye.

PUNTLAND POST