Ra’iisul wasaare Rooble oo ku dhawaaqay gurmad loo fidinayo Jubaland

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay gurmad deg deg ah oo loo fidinayo shacabka Jubaland ee abaaraha ba’an saameeyeen.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in sida ugu dhaksaha badan Jubaland loo gaarsiinayo gurmad kala duwan si loo caawiyo shacabka ku tabaalaysan halkaas.

Ra’iisul wasaaraha ayaa dadka Soomaaliyeed ka codsaday in ay garab istaag iyo gurmad u fidiyaan bulshada Reer Jubaland ee abaaraha ku waxyeelloobay.

Sidoo kale wuxu baaq u jeediyay hay’adaha Sama-falka Qaramada Midoobay iyo dhammaan deeq-bixiyaasha Beeesha Caalamka in ay caawiyaan shacabka Jubaland.

PUNTLAND POST