Madaxweyne Deni oo berri ku wajahan magaalada Qardho

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Khamiista berri ah ku wajahan magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar halkaas oo uu kaga qayb-galay ololaha u dambeeya ee ururkiisa KAAH ka samaynayo Qardho.

Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu maalinta berri ah socdaal ku maro tuulooyin kala duwan oo ka tirsan degmada Qardho islamarkaana ka sameeyo ololaha urur siyaasadeedka xukuumadda ee KAAH.

Madaxweyne Deni ayaa sida qorshaysan 25-ka bishaan degmada Qardho ka daah-furi doono doorashada hordhaca ah ee hannaanka xisbiyada badan oo ka dhacaysa saddexda degmo ee Qardho Eyl iyo Ufayn.

Puntland oo la as’aasay 1998-dii ayaa doonaysa in ay markii u horraysay u gudubto doorashooyin ku dhisan hannaanka xisbiyada badan ee qof iyo cod.

PUNTLAND POST