Haweenka Puntland oo ka horyimid Xeerkii lagu mamnuucay Gudniinka Gabdhaha

Haweenka Puntland oo shir ku yeeshay Caasimadda Garoowe aya si adag uga horyimid Xeerkii lagu mamnuucay Gudniinka Gabdhaha oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Puntland.

Xeerkan oo muran iyo dood xooggan ka dhaliyay gudaha Puntland ayaa gebi ahaanba meesha ka saaraya in noocyada kala duwan ee Gudniinka Gabdhaha.

Haweenka  ku shiray Garoowe ayaa ka dalbaday Madaxweyne Siciid Deni in laga laabto Xeerka oo sida ay sheegeen Diin la’aan horseedaya.

Xeerka ayaa haatan sugaya in ay ansixiyaan Xildhibaannada Baarlamanka dowladda Puntland.

PUNTLAND POST