Hadal-jeedinta Musharrixiinta Aqalka sare oo maanta ka dhacaysa Kismaayo

Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta oo Arbaco ah dhegeysanaya khudbadaha xubnaha u tartamaya Aqalka sare ee laga soo doorto maamulkaas.

Musharrixiintaas oo gaaraya 8 Xubnood ayaa  ku tartami doona Afarta Kursi ee Jubbaland uga harsan 8 kursi uu  Maamulka Jubbaland ku leeyahay Aqalka Sare.

Musharixiinta Aqalka Sare ee khudbadaha ka hor jeedin doono Baarlamaanka Jubbaland oo 5 kamid ah Dumar yihiin ayaa waxaa magacyadooda ay kala yihiin.

1: Layla Nuux Maax
Xareedo Maxamed Sheekh

2:Tbrahim Awgaab Cismaan
Farxiya Macalim Cabdi

3: Maryan Faarax Kadiye
Samsam Maxamed Bishaar

4: Xasan Daahir Yarow
Cali Maxamed Cali

Maalinta Berito oo khamiis ah taariikhduna ku beegan tahay 21 Bisha Octoober ayaa la filayaa in ay magaalada Kismaayo ka dhacdo doorashada Afarta Kursi ee Aqalka sare uga harsan Maamulka Jubbaland.

PUNTLAND POST