Burcad Afduubtay Muwaadiniin Mareykan u badan oo dalbatay $17Milyan

Burcad ah hubaysan oo dhowaan waddanka Haiti ku afduubtay wadaaddo masiixiyiin ah oo u dhashay Mareykanka iyo Canada ayaa dalbaday in la siiyo lacag madax-furasho ah oo gaareysa 17 milyan oo dollar.

Wasiirka Caddaaladda Haiti, Liszt Quitel ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay, in ay socdaan wadahallo ay saraakiisha dowladda la leeyihiin kooxda burcadda ah ee dhamaadki todobaadki tagay magaalada caasimadda ah ee Port-au-Prince ka afduubatay 17-ka wadaad ee faafinayay diinta masiixiga.

Sida uu wasiirkan xaqiijiyay, kooxdan burcadda ah oo isku magacawday 400 Mawozo ayaa dalbatay in qofkiiba laga siiyo lacag madax-furasho ah oo gaareysa hal milyan oo dollar.

Wargeyska Wall Street Journal iyo telefishanka CNN ayaa labaduba xaqiijiyay lacagaha ay dalbadeen burcadda.

PUNTLAND POST