Jadwalka doorashada ka harsan Aqalka sare ee Jubaland oo la shaaciyay

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ayaa shaaciyey jadwalka doorashada kuraasta harsan ee aqalka sare kuwaa oo uu soo gudbiyey xalay Madaxweynaha Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam.

Jadwalka ayaa qeexaya waqtiga la diiwaan galin doono musharaxiinta u tartamaya kuraasta harsan ee aqalka sare qaybta Jubbaland iyo xiliga doorashadooda ay dhaceyso.

Guddiga ayaa sheegay in maalinimada berri ah oo ay Taariikhdu ku began tahay 20-ka October ay Musharixiintu isdiiwaan galin doonaan,iyadoo sidoo kale musharixiinta loogu baaay in waajibaadka kaga aaddan dhanka xafiiska guddiga ay berry 8:00 saac oo subaxnimo u yimaadaan xarunta Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland.

Waxaana doorashada si toos ah ay u billaaban doontaa maalinta khamiista ah oo ay Taariikhdu tahay 21-ka October 2021.

PUNTLAND POST