Axmed Madoobe oo qaabilay ku qaabilay ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki Gbeho, oo booqasho ku timid Jubaland.

Kulanka ayaa lagaga hadlay arimaha Doorashooyinka oo Jubaland ay xalay soo dhamaystirtay xubnahii ku dhimanaa er Aqalka Sare taas oo dardar galin doonta howlaha Doorashooyinka.

Marwo Anita Kiki Gbeho, ayaa Jubaland uga mahad celisay sida ay u ilaalisay qoondada haweenka ee aqalka sare iyadoo hoosta ka xariiqday in Qaramada midoobay ay tageerayso howlaha Doorashooyinka iyo sidii loo dardar galin lahaa.

PUNTLAND POST