Amiir ka tirsan Al-shabaab oo waran lagu dilay

Wararka ka imaanaya Degaanka Xawaadley oo ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegaya in maanta halkaas lagu dilay mid kamid ah Amiirada Al-shabaab.

Wakaaladda Wararka SONNA ayaa laga soo xigtay in Degaanka Xawaadley lagu dilay Amiirkii Garabka Xisbiyada ee Al-shabaab Muxiyadiin Cali Xaayow.

Nin shacab ah oo ka caraysan ficillada Al-shabaab ayaa sida wararku sheegayaan fuliyay dilka Amiirkaas kadib markii uu waran ku dhuftay.

Garabka Xisbiyada ee Al-shabaab ayaa qaabilsan Canshuuraha xoogga lagaga qaado dadka ku nool dhulka ururkaas ka taliyo.

PUNTLAND POST