Ciidamada Puntland iyo Al-shabaab oo ku dagaallamay tuulada Af-Urur

Dabley hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab, ayaa saaka weerar ku qaaday saldhig ciidamada difaaca dowladda Puntland ku leeyihiin tuulada Af-Urur oo ka tirsan Gobolka Bari.

Wararku waxay sheegayaan, in Al-shabaab madaafiic ku rideen saldhiga, kadibna ciidamada difaaca Puntland ay kaga jawaabeen hubka culus.

Saraakiisha Ciidamada ayaa Puntland Post u sheegay in ay iska caabiyeen weerarka, balse kama hadlin haddii uu khasaare jiro.

Dad kala duwan oo ku sugan tuulada Af-Urur ayaa sidoo kale sheegay in subaxnimadii hore ee saaka maqleen rasaas ka dhacaysay dhinaca saldhiga ciidamada.

PUNTLAND POST