Madaxweyne Farmaajo oo shacabka la wadaagay farriin ku aadan Xuska Qaraxii Soobe

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed la wadaagay farriin ku aaddan Xuska Qaraxii 14-ka Oktoobar 2017-kii ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qof kasta oo Soomaaliyeed uu xasuusnaan doono dareenkii murugada lahaa ee ka dhashay weerarkii arxan darrada ahaa ee ay ku dhinteen muwaadiniin Soomaaliyeed oo u taagnaa in ay door weyn ka qaataan horumarka dalka.

“Alle ha u wada naxariisto Shuhadada Qaraxii 14-ka Oktoobar. Waxaa ay ahaayeen muwaadiniin mudnaa nolol qurux badan, balse ay argagixisadu u qoonsadeen noloshoodii sharafta badnayd. Inkasta oo ay dhacdadaasi tahay mid uurkutaallo badan inagu reebtay, misna waxa ay ahayd dhacdo daaha ka feydey sida wanaagsan ee ay shacabka Soomaaliyeed isu caawiyaan, oo isu garab istaagaan.” Ayuu yiri Farmaajo.

PUNTLAND POST