Laamaha Amniga Boosaaso oo shir gaar ah yeeshay

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Saka Shir guddoominayey kulan ay ka wada qeyb galeen Dhamaan Sarakiisha Booliska Bosaaso kaas oo ku saabsana Xoojinta iyo muhiimadda ay u leedahay wada shaqeynta dhinacyada kala duwan ee ammaanka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la dardargeliyo istiraatiijiyadda amniga si looga hortago falalka dhibaatada ku ah amaanka.

Taliyaha ayaa ayaa si gaar ah ugula dar-daarmay Saraakiisha amniga in ay adkeeyaan wada shaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin bulshada Degmada Bosaaso taas oo muhiim u ah qorsheyaasha xasilinta Gobalka Bari.

Ugu danbeyn Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen ayaa sheegay in la joogteynayo kulamada la isku weydaarsanayo xoojinta wada shaqeynta amniga, sidoo kalena dadaal dheer la gelin doono kor u qaadista wacyi gelinta bulshada oo Sanadihii iyo muddooyinkii la soo dhaafay si huffan ula shaqeynayay Ciidamadda ku howlan ammaanka Guud ahaan Gobalka Bari isagoona sheegay in Bulshada ay tahay lamataabtan madaama ay si wanagsan ay qeyb uga yihiin Guulaha laga gaaray amaanka Magalada Bosaaso.

PUNTLAND POST