Axmed Karaash oo qaabilay wasiiro ka socda Koonfur Galbeed

Ku-simaha Madaxweynaha dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan ayaa maanta qaabilay Wafdi Wasiiro ah oo ka socda Koonfur Galbeed kuwaasi oo Puntland u yimi xaaladda dadkii laga soo barakaciyay magaalada Laascaanood.

Wafdiga Wasiirada ah ee ka socda Koonfur Galbeed, ayaa Madaxweyne Ku-xigeenka la wadaagay dhambaal Mahadcelin ah oo ay Puntland uga wadeen dadka reer Koonfur Galbeed Dowlad iyo Shacaba, kuwaasi oo si weyn uga mahadceliyay sida Puntland usoo dhoweysay dadkii laga soo barakiciyay Laascaanood.

PUNTLAND POST