Wefdi ka socda Soomaaliya oo gaaray magaalada Hague

Wefdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa gaaray magaalada Hague ee waddanka Nederland..

Wefdiga ayaa ka qayb-galaya kulanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ ay ku shaacinayso xukunka kama dambaysta ah ee dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamadda ayaa sida qorshaysan 12-ka bishan October 2021 ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda kenya ayaa maalmo ka hor sheegtay in aysan aqoonsan doonin go’aan kasta oo ka soo baxa Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.

PUNTLAND POST