Togga Ceeldaahir oo xannibay isu-socodka gaadiidka Gobollada Puntland

Roobab mahiigaan ah oo xalay ka da’ay Gobolka Bari ayaa mowjado daad ah ku rogay togga Ceeldaahir taas oo gebi ahaanba xannibtay isu socodka gaadiidka Gobollada Puntland.

Wararku waxay sheegayaan in gaadiid fara badan saaka ku xannibanyahay labada dhinac ee togga Ceeldaahir.

Roobabka dayrta ayaa saacadihii la soo dhaafay si xooggan uga da’ayay Gobollada Bari iyo Karkaar inkastoo aan weli la ogayn haddii khasaare ka dhashay roobabkaas.

PUNTLAND POST