Booliiska waddanka Nigeria ayaa sheegay in ay soo badbaadiyeen in ka badan 180 qof oo af-duub loogu haystay waqooyiga dalkaas.
Warbaahinta gudaha Nigeria ayaa Booliiska ka soo xigtay in la soo badbaadiyay 187 ruux oo ay ku jiraan carruur yaryar.
Dadkaas ayaa af-duub loogu haystay kayn ku taalla Gobolka Zamfara waqooyiga Nigeria.
Booliiska ayaa sheegay in dadkii la soo badbaadiyay haatan lagu hayo gooba amaan ah islamarkaana ay dib ula midoobi doonaan Qoysaskooda.
PUNTLAND POST