S/Guuto Salaad Dhega-dheer oo Garoowe ku geeriyooday

Alle ha u naxariistee, waxaa Saaka Garoowe ku geeriyooday S/Guuto Salaad Maxamuud Ciise (Dhega-dheere) oo ka tirsanaa Saraakiisha Hoggaamada Taliska Guud ee Ciidamada Difaaca Puntland.

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland, S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere ayaa war kooban oo uu soo saaray kaga tacsiyeeyay Geerida Marxuumka.

Taliyaha ayaa tacsi u diray dhammaan Shacabka iyo Dowladda Puntland, gaar ahaanna Qoyska uu ka baxay marxuum Salaad Maxamuud Ciise (Dhega-dheere).

Marxuum-ka wuxuu ka mid ahaa S/kiisha Hogaamada Taliska Guud kuna magacaaban Hogaanka Gaadiidka qayb wayna ka qaatay dhismaha Ciidanka Daraawiishta Dawladda Puntland.” Ayuu yiri Gen. Yaasiin Cumar Dheere

PUNTLAND POST