Wasiirkii Amniga Galmudug oo is casilay

Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in uu xilka iska casilay, kadib markii isaga iyo Madaxweyne Qoor Qoor isku fahmi-waayeen Arrinta Ahlusunna.

Wasiir Fiqi, ayaa sheegay in Madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoor Qoor uu jidkii Nabadda ka doortay dagaal lagu wajaho Xoogagga Culimada Ahlusunna, isagoo adeegsanaya ciidamo laga keenay Muqdisho.

Maantay waxaan madaxweynaha Galmudug u gudbiyey iska casilaadaydii xilka wasiirka amniga Galmudug, ka dib markii aan isla fahmi weynay qaabka loo wajahayo khilaafka isaga iyo ASWJ” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka ayaa tilmaamay in mas’uuliyiinta Galmudug aysan wax talo ah ku lahayn abaabulka ciidan ee lagu wado xoogagga Culimada Ahlusunna, islamarkaana arrintaas laga soo abaabulay Muqdisho.

Sidoo kale, wuxu sheegay in uu shir jaraa’id ku faahfaahin doono wixi dhex maray isaga iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor.

PUNTLAND POST