Puntland: Mideeye oo isu- soo baxyo waaweyn ku qabtay degmooyinka loo asteeyay doorashada

Urur Siyaasadeedka Mideeye, ayaa maanta isu-soo baxyo waaweyn ku qabtay saddexda degmo ee loo asteeyay doorashooyinka hordhaca ah ee dowladaha hoose.

Doorashooyinkan oo ku salaysan hannaanka xisbiyada badan, ayaa dhammaadka bishaan October laga qaban doonaa degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufayn ee Gobollada Karkaar, Nugaal iyo Bari.

Hoggaanka urur siyaasadeedka Mideeye iyo kumanaan kamid ah taageerayaashiisa, ayaa ka qayb-galay isu-soo baxyada lagu muujinayay shacbiyadda Mideeye ku leeyahay degmooyinkaas.

Mas’uuliyiin kala duwan, oo ka tirsan ururka Mideeye ayaa sidoo kale  taageerayaashooda u jeediyay khudbado ku saabsan qorshayaasha waxqabadka iyo hiigsiga ururka.

Sidoo kale, urur siyaasadeedka Mideeya ayaa $15,000 oo Dollar ku wareejiyay maamulka degmada Ufayn ee Gobolka Bari si loogu fuliyo baahiya bulsho ee ka jira degmadaas.

Hoos ka eeg qaar kamid ah sawirada

PUNTLAND POST