Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u safray magaalada Addis ababa ee waddanka Itoobiya.
Qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu u safray Addis Ababa halkaas oo uu kaga qayb-galayo dhismaha xukuumadda cusub ee Itoobiya.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa hadda u safray magaalada Addis Ababa oo ay uga qeyb geli doonaan xafladda dhismaha Xukuumadda cusub ee Jamhuuriyadda Itoobiya.”
PUNTLAND POST