Kuraas kamid ah doorashada Aqalka sare oo maanta ka dhacaysa Jowhar

Laba kamid ah kuraasta Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta lagu doorto magaalada Jowhar ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Labada kursi midkood waxa ku tartamaya; Cabdulqaadir Xanafi Sheekh Bashiir, Cali Shacbaan Ibraahim iyo Cabdalla Cabdi Xuseen.

Kursiga labaadna waxa ku tartamaya laba gabdhood oo keliya kuwaas oo kala ah; Niciimo Ibraahim Yuusuf iyo Samsam Cabdullaahi Axmed.

Kursiga labaad ayaa mid ka mid ah musharaxiintii hore isu diiwaangeliyay isla markaaana ka mid ahaa kuwa ugu cadcad uu goor dhow shaaciyay inuu ka tanaasulay.

PUNTLAND POST