Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wefdi uu hogaaminayo ayaa saaka u ambabaxay Magaaladda Baraawe ee Caasimadda Koonfur Galbeed.
Safarka ayaa ku soo beegmay xilli Al-shabaab xalay weerar ku qaaday magaalada Baydhaba halkaas oo dagaal ku dhexmaray iyaga iyo ciidamada dowladda.
Goob-joojayaal ayaa sheegay in saacado kooban hugunka rasaasta iyo hubka culus laga maqlay magaalada Baydhabo balse aan weli faahfaahin laga helin khasaaraha ka dhashay.
Saraakiisha ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Federaalka ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerarkaas.
PUNTLAND POST