Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo Loogu Baaqay Inuu ka Hadlo Barakicinta Dadka ka Soo Jeeda Digil iyo Mirifle

Buurtinle (Wararka PP) — Mid ka mid ah dadka Soomaaliyeed oo ka soo jeeda oo maleeshiyada Somaliland ka soo barakicisay magaalada Laascaanood ayaa ugu baaqay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil inuu ka hadlo xadgudubka loo geystay dadka Soomaaliyeed oo sida nabadda ah ugu noolaa Laascaanood.

“Waxaannu marti u ahayn reer Laascaanood. Ma maamulka Somaliland baa na boobay oo na barakiciyay mise dadka magaalada?” ayuu ninku yiri. Wuxuu intaas ku daray in dadka la soo barakiciyay qaarkood deyn lagaga leeyahay Laascaanood, qaarna deymo ay bixiyeen ay ka maqan yihiin qaarna hanti dhul ah ku leeyihiin magaalada.

Ilaa hadda Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ah Garaadka keliya oo taageera maamulka Somaliland, muu ka hadlin barikincta iyo boobka loo geystay dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed.

Garaad Jaamac oo dhowaan ka hadlay dilal isdaba joog ah oo ka dhacay Laascaanood ayaa sheegay in loo baahan in xogta qofka guri laga kireynayo lala wadaago laamaha amniga, hadalkaas oo dad badani u fasirteen inuu ula jeedo dadka Koonfur Galbeed ka soo jeeda ahaana mid gogol-xaadh u ahaa barikicintii loo geystay dadka ka soo jeeda beesha Digil iyo Mirifle.

Ilaa hadda Garaad Jaamac Ismaaciil oo ah Garaadka keliya oo taageera maamulka Somaliland, muu ka hadlin barikincta iyo boobka loo geystay dadka Soomaaliyeed.

Dhegeyso waraysiga uu barakiciyay dhibbane ay miliishiyada Somaliland ku sugan Laascaanood soo barakiciyeen.

© Puntland Post, 2021