Mas’uuliyiinta Galmudug ayaa magaalada Dhuusamareeb ka wada abaabul ciidan oo ka dhan ah xoogagga Ahlusunna.
Wararku waxay sheegayaan in saraakiisha iyo mas’uuliyiinta Galmudug diyaarinayaan hawlgal ciidan oo ku jihaysan degaannada ay ku sugan yihiin Ahlusunna Wal-jamaaca.
Dad lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in saraakiisha Galmudug qaarkood ku taliyeen in Ahlusunna wada-hadal lagu mashquuliyo kadibna la weeraro iyago aan diyaarsanayn.
Dhinaca kale Xoogagga Ahlusunna ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada degaanka Bohol oo dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Dhuusamareeb.
PUNTLAND POST