Diiwaanka rayidka ciidamada Puntland ku dileen Garowe, intii uu xilka hayay Madaxweyne Deni

Sawirada qaar kamid ah dadka ciidanku dilay

Sagaal qof oo aan waxba galabsan ayaa ciidamada Puntland ku dileen magaalada Garowe, tiro intaas ka badana waa ku dhaawaceen mudadii uu xilka hayay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Dadka rayidka ah ee ciidamada Puntland ku dileen Garowe 2021, 2020 iyo 2019 ayaa u badan dhallinyaro, waxaana ku jira labo gabdhood oo da’yar.

27 Sebtember 2021: Maryan Axmed Caato oo ahayd gabar dhalinyaro ah ayaa xalay ku dhimatay raasaas ay ilaalada gaarka ah ee madaxweyne Deni ku fureen gaari yar oo dhexmarayay magaalada Garowe.

28 August 2021: Ciidan ka tirsan Puntland ayaa magaalada Garowe ku toogtay Cabdikariin Xuseen Mire oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mooto Bajaaj.

5 Jun 2021: Dr Mukhtaar Maxamed Jaamac oo ahaa nin dhalinyaro ah ayaa xili habeen ah ciidan ku toogteen magaalada Garowe.

2 January 2021: Nadiiro Faysal Shire oo ahayd gabar yar oo 15 sano jir ah oo ardayad ah ayaa u dhimatay dhaawac ka soo gaaray raasaas ay Booliska Puntland ku fureen dad mudaharaadayay.

28 September 2020: Cabdiqaadir Siciid Aw Yuusuf oo ahaa ganacsade ka mid ah waxgaradka Garowe ayaa askari ka tirsan Booliska Punrland ku dilay magaalada Garowe.

19 October 2020: Axmed Maxamuud Jaamuus oo ahaa wiil dhalinyaro ah ayaa xili habeen ciidamada Booliska Puntland ku dileen magaalada Garowe.

2 August 2020: Nin lagu magaaci jiray Shuceyb Cabdiqaadir ayaa askari ka tirsan ciidamad Booliska Puntland ku dilay gudaha magaalada Garowe.

20 October 2019: Ciise Maxamuud Buraale oo ahaa nin dhalinyaro ah ayaa ciidamada Puntland ku dileen bartamaha magaalada, waxaana dilkaasi uu sababay mudaharaad rabshada wato oo ka dhacay Garowe.

6 November 2019: Cabdikariin Maxamed Faraax (Dhagaweyne) oo ahaa ganacsade caan ka ahaa deegaannada Puntland ayaa ku dhintay dagaal ka dhacay xarunta baarlamaanka Puntland, xili uu ku sugnaa goob ganacsi oo uu ku lahaa meel ku dhow xarunta baarlamaanka.

Dadkaas qaar ka mid ah dilkooda waxaa ka wada-hadlay qabiilo, halka kuwo kalana ay dowladdu ballan-qaaday diyadooda.

PUNTLAND POST