Madaxtooyada Puntland ayaa war-murtiyeed ka soo saartay shirweyne hal maalin socday Garowe oo looga hadlay sidii dib-u-eegista iyo horumarinta loogu sameyn lahaa adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, gaar ahaan waxbarashada, caafimaadka, biyaha, korontada iyo gaaska cuntada, kaas oo guddoomiyay madaxweyne Deni.
Shirka waxaa lagu go’aamiyay in dib u eegis iyo horumarin lagu sameeyo siyaasadaha iyo xeerarka waxbarashada, manhajka, agabka waxbarashada iyo goobaha waxbarashada ee Puntland.
Sidoo kale shirka waxaa lagu go’aamiyay in dowladda iyo shirkadaha korontadu ka wada shaqeeyaan dhimista qiimaha korontada iyo xaqiijinta joogtaynta helitaankeeda.
Waxaa kale oo shirka lagu go’aamiyay in la ballaariyo adeegyada biyaha, lana xaqiijiyo in bulshada Puntland ay hesho biyo nadiif ah, ku filan, qiimahooduna yahay mid la awoodi karo.

Shirka wuxuu go’aamiyay in la horumariyo tayada iyo helitaanka adeegyada caafimaadka, si bulshada Puntland ay u hesho daryeel caafimaad oo tayo leh, la heli karo, qiimihiisuna yahay mid la awoodi karo.
Sidoo kale shirka waxaa lagu go’aamiyay in dowladda Puntland iyo ganacsatada ay iska kaashadaan hirgelinta iyo horumarinta isbitaallo bixiya adeegyo caafimaad oo leh takhasusyo kala duwan.
Shirka waxaa lagu go’aamiyay in la dhiirrigeliyo isticmaalka gaaska cuntada lagu karsado, lana yareeyo isticmaalka dhuxusha oo qayb weyn ka qaadata xaalufinta dhirta iyo deegaanka.
Sidoo kale shirka waxaa lagu go’aamiyay in la sameeyo daraasad dhammaystiran oo lagu qiimaynayo xaaladda adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, gaar ahaan tayadooda, qiimahooda, helitaankooda, joogtayntooda iyo caqabadaha ka jira bixintooda.
Shirka waxaa ka soo qaybgalay wasiirro, agaasimayaal guud iyo hawlwadeennada wwasaaradaha waxbarashada, caafimaadka, iyo tamarta, macdanta & biyaha, guddiga Xlxirfadlayaasha caafimaadka; guddiga tacliinta sare; haamacadaha, dugsiyada, masuuliyiin ka socday isbitaallada dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay; iyo qaar ka mid ah shirkadaha bixiya adeegyada biyaha iyo korontada.



PUNTLAND POST
