Wasiir Jamaal oo soo galay Garowe, kadib markii laga reebay ilaalo uu watay

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa goordhaweyd soo galay magaalada Gaowe, kadib markii Puntland tuulada Sin-ujiif kaga reebtay gaadiid ciidan oo la socday.

Wasiirka Jamaal muddo saacad ah xanibnaa ayaa gaadiidka ciidanka reebay markii ay wadahadleen Taliye ku xgeenka ciidanka Booliska Puntland Gen. Caydiid Axmed Nuur oo isku deegaan ka soo wada jeedaan.

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa hadda waxaa amnigiisa la wareegay ciidamo ka tirsan Booliska Puntland.

Waxaa xusid mudan in ciidamada laga reebay Wasiir Jamaal ay yihiin kuwo ka tirsan Puntland oo markii hore ka kaxeeyay Garowe.

Puntland ayaa intii Wasiir Jamaal ku xanibnaa Sin-ujiif soo saartay go’aan ay musharaxiinta u tartamaya doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaga mamnuucday in ay isticmaalaan gaadiid ciidan iyo ilaalo gaar ah.

Go’aanka Puntland ayaa dadka qaarkii u arkaan mid siyaasadeysan oo loola dan’ lahaa Wasiir Jamaal oo Puntland ku jooga olole uu ku doonayo in uu mar labaad ka mid noqdo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

PUNTLAND POST