Puntland oo ka mamnuucday musharaxiinta Golaha Shacabka ilaalada gaarka ah iyo gaadiidka ciidanka

Puntland ayaa musharaxiinta u tartamaya doorashada xidlhibaannada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka mamnuucday in ay isticmaalaan gaadiid ciidan iyo ilaalo gaar ah.

Sidoo kale waxaa gaadiidka ciidanka iyo ilaalada gaarka ah laga mamcuunay mas’uuliyiinta ururada siyaaasadda Puntland.

Wasaaradda Amniga Puntland oo amarkan soo saartay waxay sheegtay in ciddii sababo gaar ah uga maarmi wayda ilaalo la soo xiriirto Taliyaha Booliska Puntland.

Puntland ayaa warkan soo saartay, iyadoo galabta Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan loo diiday in uu Garowe la soo galo ilaalo gaar ah iyo gaadiid ciidan.

PUNTLAND POST