Ra’iisul wasaare Rooble oo qaabilay safiirka Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka UK ee Soomaaliya Kate KFoster.

Ra’iisul wasaare Rooble iyo safiirka Ingiriiska ayaa ka wada-hadlay xiriirka labada dal iyo habsami u socodka iyo amniga doorashooyinka dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaruhu.

Kulanka ayaa Ra’iisul Wasaaraha waxaa kala qeyb galay Wasiirka cusub ee Amniga Abdullahi Mohamed Nur iyo Abdi Diirshe la Taliyaha Amniga ee Ra’iisul wasaaraha.

PUNTLAND POST