Garoowe: Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo dhagax-dhigay 8-buundo

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta dhaggax dhigay dayactirka 8-buundo oo ku yaalla inta u dhexaysa caasimadda Garoowe iyo tuulada Birta dheer oo qiyaastii 50km dhanka koonfurta kaga beegan Garoowe.

Dayactirka lagu sameynayo 8-da Buundo ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladdu ku dayactirayso Wadooyinka isku xira Gobollada Puntland.

Dhagax-dhigan waxa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Howlaha Guud, Qorsheynta , Maaliyadda , Saraakiil Madaxtooyo iyo Shirkadaha dhismaha fulinaya.

PUNTLAND POST