Faahfaahinta Qaraxyo ka dhacay degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay

Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa Khasaare xooggan oo ka dhashay qaraxyo maanta ka dhacay magaalada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Qaraxa ka dhacay Buurhakaba, waxaa sida la xaqiijiyay ku dhaawacmay Taliyihii hay’adda Sirdoonka NISA ee degmadaas Xuseen Dhuubow, guddoomiye ku xigeenkii degmada Nuurow Ibraahim iyo saraakiil kale.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxyada, iyadoo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uusan weli ka hadlin dhacdadaas.

PUNTLAND POST