Puntland oo sheegtay in ay xallinayso khilaafka Farmaajo iyo Rooble

Xukuumadda Puntland ayaa markii u horraysay sheegtay in Garoowe lagu xallinayo khilaafka u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Puntland Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) ayaa sheegay in khilaafka iyo loollanka siyaasadeed ee u dhexeeya labadaas mas’uul xallintoodu ku dhammaan doonto caasimadda Garoowe.

Dastuur-jebin, horu-socod la’aan doorasho, khilaaf jiitama una dhexeeya madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday iyo Ra’iisul wasaare xil-gaarsiin ah waxay xaajadoodu ku dhammaataa loogana xalliyaa caasimadda Puntland ee Garoowe” ayuu yiri Qawdhan.

Sidoo kale madaxda dowlad goboleedyada oo ku ballansan Shirka Garoowe ayuu ku yiri “soo dhowaada ayaan idin leenahay madaxda maaamuladow, hooyada Federaalku gacmo furan ayay idinla diyaar tahay doorasho ayayna rabtaa”

PUNTLAND POST