Dil ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo

Dabley hubaysan ayaa maanta dhinaca koonfureed ee magaalada Gaalkacyo ku toogtay qof shacab ah, sida laga soo xigtay laamaha Amniga Galmudug.

Kooxda oo aan haybtooda la aqoonsan, ayaa xaafadda Wadajir ee koonfurta Gaalkacyo ku dilay marxuum lagu magacaabi jiray  Cabdinaasir Maxamed Shire oo kamid ahaa ganacsatada xaafaddaas.

Marxuumka ayaa lagu dilay goob dukaan ah oo uu kulahaa xaafadda Wadajir, waxaana goobta ka baxsaday kooxdii dilka gaystay, sida ay sheegeen goob-joogayaal.

Laamaha Amniga oo halkaas hawlgal ka sameeyay dilka kadib ayaan weli gacanta ku dhigin kooxdii weerarka fulisay.

PUNTLAND POST