Wasiirka Arrimaha dibadda Qatar oo booqday Kabul

Wasiirka Arrimaha dibedda dalka Qatar ayaa gaaray caasimadda Kabul ee dalkaAfgaanistaan, wasiirka ayaa noqonayaa masuulkii ugu horeeyey ee heer sare ah kaas oo gaara Afgaanistan tan iyo markii ay qabsatay Taliban.

Afayeenka Taliban Suhail Shaheen, ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha dibedda Qatar kulan ku wada qaateen madaxtooyadda ku-simaha Ra’iisul wasaaraha Afgaanistaan Mullah Hassan Akhund iyo xubno kale oo ka mid ah Xukuumadda ku-meel gaar ah ee Taliban dhowaan ku dhawaaqday.

dhinaca kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, ayaa sheegtay in kulanka looga wada hadlay siyaabaha kor loogu qaadayo nabadda Afgaanistaan ​​iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee la xiriira hawlgelinta Madaarka Kabul iyo xaqiijinta xorriyadda marinka iyo safarka dadka oo dhan.

Wasiirka arrimaha dibedda ayaa ku boorriyay mas’uuliyiinta Afgaanistaan ​​inay dhammaan dhinacyada Afgaanistaan ​​ka qayb -qaataan dib -u -heshiisiinta qaran.

PUNTLAND POST