Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha Aqoonsiga ka gudoomay safiirka Sweden

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa munaasabad ku qabsoontay Madaxtooyada Qaranka waxa uu kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo safiirka cusub ee Dawladda Sweden u soo magacawday Soomaaliya Mudane Per Lindgarde.

Safiirka Sweden Per Lindgarde oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqorka Sweden Carl XVI Gustaf ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka saaxiibtinnimo ee labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran.

Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Lindgarde ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden, kaas oo ku dhisan wax wada-qabsi, is-ixtiraam si loo adkeeyo iskaashiga dhinacyada amniga, gargaarka bini’aadannimada, dhaqaalaha, maalgashiga, horumarinta iyo arrimaha bulshada.

Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa Danjiraha Cusub ee Sweden ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, waxa uuna u sheegay in uu soo dhoweyn wanaagsan kala kulmi doono shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

PUNTLAND POST