
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga magaalada Gaalkacyo, ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay guddiga Amniga Gobolka Mudug.
Guddiga ayaa madaxweynaha la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda Amniga Gobolka, horumarada laga sameeyay iyo qorsheyaasha Amni ee diyaarsan.
Madaxweyne Deni, ayaa isna bogaadiyay shaqada Amni ee laga qabtay Gobolka oo isbedelkeedu uu ka muuqdo guud ahaan, wuxuuna laamaha Amniga faray in la sii dardargeliyo Howlaha Amni ee socda.
PUNTLAND POST