Maxaa looga hadlay Shirka Amniga Galmudug?

Ku simaha madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Ali Dahir Ciid ayaa Shir Guddomiyay Shirki Amniga Galmudug oo ka dhacay Xarunta madaxtooyada Galmudug.

Shirka waxa ka so qayb galay qaybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida Iyo Amisom, Booliska, iyo Nabad sudiga,waxaana awood lagu saaray sugida Amniga Galmudug iyo sidii howlgalo rogaal celin ah oo lagu qaado kooxda argagixisada Al shabaab.

Madaxweynaha ayaa sido kale u mahadceliyay Madaxweynaha Puntland Siciid Dani oo xili loo bahna garab istaagtay Galmudug waxana u intaasi ku daray in Galmudug iyo Puntland iska kaashan doonan la dagaalanka Argagixisada Al Shabaab.

Ugu danbeyn Madaxweyne kuxigeen ayaa u mahaceliyay Shacabka Gobolka Mudug sida ay isku garab istaagen Ciidamada Qalabka sida sido kale waxa uu ugu baqay Shacabka Gobolka Galgaduud iyo Guud ahaan Galmudug in Ciidamada la Garab is taago

PUNTLAND POST