In ka badan 280 ruux oo lagu qabtay Addis Ababa

Ciidamada Booliska Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa waxaa la sheegay in ay qabteen 284 ruux oo qorshaynayay falal amni-darro.

Taliye kuxigeenka Booliska Magaalada Addis Ababa Xasan Nagaash ayaa sheegay in xubnahani ay xiriir wadashaqayneed la lahaayeen Ururka TPLF ee dagaalka kula jira Ciidamada Federaalka Itoobiya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ragga ay Ciidamada qabteen ay wateen hub kala duwan oo iskugu jira 199 Baaskooladood, 2453 oo xabo rasaasa 32 qoriga Kalaashkoofka ah iyo 5049 oo rasaastiisii ah iyo Afar xabo oo diirada Dagaalka ah.

PUNTLAND POST