Horjooge ka tirsan Al-shabaab oo xalay isu dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya

Sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab, ayaa xalay  isku dhiibay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Sida laga soo xigtay saraakiisha, Horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka caafimaadka Gobolka Galgaduud  Cali Ibraahim ayaa si iskiis ah isu’gu dhiibay ciidamada dowladda.

Sarkaalkan ayaa isu dhiibay ciidamada lagu magacaabo Gorgor oo ka hawlgala degaannada Galmudug, kadib markii uu isaga baxay Al-shabaab.

PUNTLAND POST